Xeebaha Bariga Puntland waxaa bilihii ugu dambeeyey aad usii kordhaya tirada xayawaanada dabaalatada ah ee ku…

Xeebaha Bariga Puntland waxaa bilihii ugu dambeeyey aad usii kordhaya tirada xayawaanada dabaalatada ah ee ku soo caarinaya iyagoo nafwaayey, sida ay HM u xaqiijiyeen qaar kamid ah Kalluumaysatada deegaanku.
Deegaan xeebeedka Wareegsame oo katirsan degmada Bareeda ee gobolka Raas-casayr ayaa waxaa maanta ku soo Caariyey Nibiri xajmigiisu weyn yahay, isagoo noqona midkii saddexaad ee muddo kooban laga diiwaangeliyo xeebahaasi.
Qaar kamid ah bulshada deegaanka Wareegsame ee degmada Bareeda ayaa durba bilaabay inay dooxaan nibirigaani si ay uga raadiyaan Cambar iyo waxyaabo kale oo la sheego in laga helo caloosha xayawaankaan.
Kaliya ma ahan Nibiriga xayawaanka soo caariyey, waxaa horay xeebaha degmada Boosaaso ugu soo caariyey ku dhowaad 100 xabo oo Homboboro ah kuwaasi oo qaarkood nolosha dib loogu celiyey biyaha badda cas.