Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la hirgelinayo isku-xirka Nidaamka Mushaar-bixinta Dowladda…

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la hirgelinayo isku-xirka Nidaamka Mushaar-bixinta Dowladda (Payroll/SFMIS) iyo Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA, si loo xaqiijiyo xogta shaqaalaha dowladda. SFMIS ayaa ah nidaam dowladda u adeegsato maaraynta maaliyadda, oo ay ku jirto habaynta mushaaraadka shaqaalaha.
Qoraal ka soo baxday xafiiska xisaabiyaha guud ayaa lagu sheegay in nidaamka cusub lagu samayn doono tijaabo hordhac ah (Pilot Test), taas oo bilaabanaysa 1-da Oktoobar 2026, si xogta shaqaalaga loo waafajiyo nidaamka Aqoonsiga Qaranka, loona xaqiijiyo saxnaanta xogta iyo aqoonsiga shaqaalaha.
Xafiisku wuxuu si gaar ah uga digay in shaqaalaha aan haysan Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ama xogtooda aan lagu xaqiijin nidaamka ay arrintaasi saameyn ku yeelan karto nidaamka mushaar-bixinta hay’adda ay ka tirsan yihiin.





