Niger: ‘Daacish’ oo tobanaan qof ku dishay weerar masaajid

23 March, 2025

44 qof ayaa lagu dilay weerar argagixisanimo oo kooxda xagjirka ah ee “Daacish” ay ku qaadeen masjid ku yaala dalka Niger. Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli bartamaha bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kooxo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada “Dowladda Islaamka” ee ka dagaalanta Saxaraha Weyn (ISGS) ayaa xasuuqay dad ku cibaadeysanayay masaajid ku yaalla Koonfur-galbeed ee Niger, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas Sabtidii.

Dhimashada weerarrada argagixisanimada ayaa sii kordhayay tan iyo afgambigii 2023-kii kaas oo uu dalku ku soo afjaray wadashaqeyntii milatari ee uu la lahaa inta badan saaxiibadiisii ​​hore ee la dagaalanka argagixisada.

“Abaarihii 2-dii duhurnimo, xilli ay muslimiintu tukanayeen salaaddii Jimcaha, argagixisadan oo aad u hubaysan ayaa isku gadaamay masaajidka si ay u fuliyaan xasuuqa naxariis-darrada ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Waxa ay intaa ku dartay in dableyda ay sidoo kale dab qabadsiiyeen suuq iyo guryo ka hor inta aysan dib u guran.

Halka dhimashadu ay ahayd 44 Sabtidii, maamulku wuxuu sheegay in 13 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen, oo afar ka mid ah ay halis yihiin.

Dowladda ku meel gaarka ah ee uu hoggaamiyo militariga Niger ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah oo loo sameynayo dadkii ku dhintay weerarka. In ka badan 99% ee ku dhawaad ​​28 milyan ee dalka ku nool waa Muslim.

Laba maalmood ka hor weerarka masaajidka, ciidamada Niger waxay sheegeen inay dileen 45 ka tirsan kooxda.