Nigeria: Amnesty oo sheegtay in duqeyn cirka ah oo ay dowlada ka geysatay suuq ay ku dhinteen 100 qof

Amnesty International waxay ku baaqeysaa baaritaan, iyadoo sheegtay in duqeyntu ay ahayd weerarkii ugu dambeeyay ee dhimashada badan dhaliyay ee lagu dilay dadka rayidka ah. Milatariga ayaa beeniyay in dad rayid ah ay waxyeello soo gaartay.

12 May, 2026

Sida laga soo xigtay Amnesty International, ugu yaraan 100 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay duqeyn ay ciidamada Nigeria ka geysteen suuq dadku ku badan yihiin oo ku yaal waqooyi-galbeed ee dalkaas.

Xafiiska kooxda xuquuqda aadanaha ee Nigeria ayaa sheegay in weerarku uu dhacay suuqa Tumfa ee gobolka Zamfara Axaddii, wuxuuna ku baaqayaa baaritaan degdeg ah.

“Mas’uuliyiintu waa inay baaraan weerarradan dhimashada leh, oo ay joojiyaan weerarrada aan taxaddarka lahayn ee lagu qaadayo dadka rayidka ah,” ayay Amnesty ku tiri qoraalkeeda.

Hay’ada Laanqeyrta Cas ayaa sidoo kale xaqiijisay weerarkan.

Tobanaan qof oo dhaawac ah ayaa lagu daweynayaa isbitaallada, waxaana la sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadka dhintay ay yihiin haween iyo gabdho, sida ay sheegeen hoggaamiyeyaasha bulshada ee deegaankaas.

Afhayeen u hadlay militariga Nayjeeriya, Major General Michael Onoja, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in wararka sheegaya dhimashada dadka rayidka ah ee ka dhacday Zamfara ay yihiin “kuwo aan run ahayn.”

War-saxaafadeed gaar ah oo uu siiyay wakaaladda wararka ee Associated Press, ayuu ku sheegay in “aysan jirin caddayn la xaqiijin karo oo muujinaysa khasaaraha dadka rayidka ah sida lagu sheegay warbaahinta.”

Weerarka Axaddii wuxuu daba socdaa weerar kale oo khasaare dhaliyay oo suuq ah oo bishii hore ka dhacay Jilli, oo ku taal waqooyi-bari Nigeria, kaas oo lagu dilay qiyaastii 200 oo qof oo rayid ah.