Nigeria: Daadad ay ku dhinteen in ka badan 150 qof

31 May, 2025

Roobab dabaylo wata oo ka da’ay bartamaha Nigeria maalmihii lasoo dhaafay ayaa dhaliyay daadad iyo burbur baahsan. Kooxaha gurmadka ayaa sheegay in dhimashadu ay kor u dhaaftay 150 qof.

Tirada dhimashada fatahaadaha baahsan ee bartamaha Nigeria ayaa sare u kacday in ka badan 150 qof Sabtidii, sida ay sheegeen adeegyada gurmadka ee maxalliga ah.

Ka dib roobab mahiigaan ah oo da’ay horraantii usbuucan, biyaha daadku waxay qaadeen in ka badan 50 guri oo ku yaala suuqa magaalada Mokwa ee bartamaha gobolka Niger.

Ibrahim Audu Husseini, oo ah afhayeenka wakaalada xaaladaha degdega ah ee gobolka Niger ayaa jimcihii u sheegay wakaalada wararka ee AFP in “uu filayo in dhimashadu ay aad kor ugu kacdo.”

Intaa waxaa dheer, in ka badan 3,000 oo qof ayaa barokacay.