Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday tuulo ku taal gobolka Niger ee waqooyiga Nigeria, iyagoo dilay ugu yaraan 30 qof, qaar kalena afduubtay.

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee dhimashada badan dhaliyay ee ka dhaca gobolka ay colaaddu saameysay.
“In ka badan 30 qof ayaa naftooda ku waayay weerarka; qaar kalena waa la afduubtay,” ayuu yiri Wasiu Abiodun, afhayeenka booliiska Niger, oo war qoraal ah soo saaray Axaddii.
Abiodun ayaa intaa ku daray in dableyda hubaysan ay weerareen suuqa Kasuwan Daji ee tuulada Sabtidii, iyagoo gubay goobo ganacsi isla markaana dhacayay cuntooyinka.
Weerarrada noocan oo kale ah ayaa aad ugu badan Najeeriya, oo ah dalka ugu dadka badan Afrika, halkaas oo kooxo burcad ah ay inta badan bartilmaameedsadaan bulshooyinka degan deegaanada fog fog ee joogitaanka dowladda xaddidan tahay.
Kooxahan ayaa ka yimaada Kaynta Beerta Qaranka ee ku teedsan degmada Kabe, sida ay booliisku sheegeen, kaymaha ballaaran ayaa isu bedalay deegaan ay ku dhuuntaan burcada hubaysan.



