Nigeria iyo Mareykanka oo sheegay in kuxigeenka hogaamiyaha ISIS la dilay

16 May, 2026

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Nigeria ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal ka dhan ah taliyaha.

Abu-Bilal al-Minuki, oo lagu eedeeyay inuu yahay hogaamiyaha labaad ee ISIL (ISIS) adduunka oo dhan, ayaa lagu dilay hawlgal ay sameeyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Nigeria, sida ay sheegeen madaxweynayaasha Mareykanka iyo Nigeria.

Al-Minuki ayaa tan iyo 2023 waxaa saarnaa cunaqabatayn Mareykanka ah oo ku saabsan xiriirkiisa ISIS (Daacish).

“Ciidamada Mareykanka ee geesiyaasha ah iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Nigeria si aan cillad lahayn ayay u fuliyeen hawlgal si taxaddar leh loo qorsheeyay oo aad u adag si looga takhaluso argagixisada ugu firfircoon adduunka,” ayuu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay Truth Social Jimcihii.

Trump ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Nigeria iskaashiga ay la leedahay, laakiin ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Mareykanka ayaa boqolaal askari u diray Nigeria si ay u bixiyaan taageero farsamo iyo wadaag sirdoon oo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan.

Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu ayaa ku xaqiijiyay howlgalka bayaan gaar ah oo uu soo saaray maanta oo Sabti ah, isagoo sheegay in labada dal ay “Sameeyeen tusaale muhiim ah oo ku saabsan iskaashi wax ku ool ah oo ku saabsan la dagaallanka argagixisada”.

Qiimayn hore ayaa muujinaysa in al-Minuki, iyo “dhowr ka mid ah saraakiishiisa”, lagu dilay weerar duqeyn ah oo ka dhacay xarun ku taal Harada Chad, sida uu sheegay Madaxweynaha Nigeria.