Nigeria oo diiday cadaadiska Mareykanka ee ah in ay aqbasho dadka u dhashay Venezuela ee la tarxiilayo

11 July, 2025

Madaxweyne Donald Trump ayaa ugu hanjabay Nigeria in la kordhinayo tacriifadaha iyo xayiraada socdaalka. Nigeria waxay haysataa dhibaatooyin ku filan oo iyada u gaar ah, ayuu yidhi wasiirkeeda arrimaha dibadda Nigeria.

Jimcihii, wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Tuggar ayaa sheegay in Nigeria aysan u hoggaansamin doonin cadaadiska dheeriga ah ee ay ku aqbaleyso dadka reer Venezuela ee laga soo tarxiilayo Mareykanka.

Tuggar ayaa sheegay in Trump uu isku dayay inuu u caggo-jugleeyo wadamada Afrika.

“Waa inaad sidoo kale maskaxda ku haysaa in Maraykanku uu cadaadis weyn saarayo dalalka Afrika si ay u aqbalaan dadka reer Venezuela in laga soo tarxiilo Maraykanka,” ayuu Tuggar ku yidhi waraysi uu siiyay telefiishanka Nigeria.

“Way adkaan doontaa in dal Nigeria oo kale ah uu aqbalo maxaabiista Venezuela u dhashay, waxaan haysanaa dhibaatooyin nagu filan” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda. “Arrinta ku saabsan aqbalida dadka Venezuela ee lasoo tarxiilay, uma maleynayo inay tahay wax Nigeria ay awood u leedahay inay ka shaqeyso.”

Hal sabab oo laga yaabo in Trump uu xeelado qallafsan ula isticmaalo Nigeria waa xubinimadeeda BRICS+ urur siyaasadeedka iyo dhaqaale.

BRICS, waxaa la sameeyay 2006, magaca ayaa loo soo gaabiyey wadamada aasaasay ee Brazil, Russia, India iyo China (BRIC), iyadoo Koonfur Afrika ay ku biirtay 2010, ururkan BRICS waxa sidoo kale ku biiray wadamada soo koraya sida Masar, Itoobiya, Indonesia, Iran iyo Imaaraadka Carabta (UAE), awooda dhaqaalahooda ayaa gaareysa qiyaastii 37% wax soo saarka dhaqaalaha adduunka.

Nigeria waxay kamid tahay 11-ka xubnood ee BRICS+ ku biiray bishii Janaayo. Waxayna ka qaybgashay shir madaxeedkii ururka ee tobaadkan.

Markii shirku soo dhammaaday, Trump wuxuu ku dhawaaqay in Maraykanku uu 10% canshuuraha ciqaabta ah ku soo rogi doono alaabada laga keeno dalalka BRICS+.

Wasiirka Nigeria Tuggar, waxa uu sheegay in aanay caddayn in tallaabooyinkii u dambeeyay ee Maraykanku ay si toos ah ula xidhiidho ka qayb-galka Nigeria ee shir-madaxeedka, shirkaas oo Trump uu ku tilmaamay kulan looga soo horjeedo Maraykanka.

Madaxweynaha Nigeria Tinubu ayaan ka mid ahayn hogaamiyayaasha Afrikaanka ah ee lagu casuumay Aqalka Cad Arbacadii markii Trump uu soo dhaweeyay madaxweynayaasha Gabon, Guinea-Bissau, Liberia, Mauritania iyo Senegal.