Nigeria oo sheegtay inay 35 argagixiso ah ku dishay meel u dhow xuduudka Kameroon

24 August, 2025

Dalka ku yaalla galbeedka Afrika ayaa sanadkan waxaa ka dhacayay weeraro aad u xooggan, iyo sidoo kale howlgallada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah.

Milateriga Nigeria ayaa sheegay in in ka badan 35 maleeshiyo lagu dilay weerar xagga cirka ah Sabtidii.

Weerarka ayaa lagu qaaday meel ku dhow xuduudka dalka Kameroon, halkaasoo la sheegay inay isku uruursadeen xoogaga xagjirka ah.

Weerarada ayaa dib uga soo cusboonaaday dalka ku yaala galbeedka Afrika kadib muddo kooban oo xasilooni ah.

“Iyadoo lagu shaqeynayo xog sirdoon oo laga helay ilo dhowr ah, ciidanka Cirka ayaa fulisay weerarro isdaba joog ah oo looga takhalustay in ka badan 35 dagaalyahan oo ku sugnaa afar goobood,” ayay ciidamada cirka Nigeria (NAF) ku sheegeen qoraal.

Ciidamada dhulka ee ku sugan aaggaas ayaa markii dambe xaqiijiyay in la xasiliyo deegaankaas, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waqooyi-bari ee Nigeria gaar ahaan nawaaxiga xudduudaha Kameroon, Chad iyo Niger, ayaa waxaa ku soo badanaya weerarada, oo ay ku jiraan xarumaha militariga, ee ay gaystaan ​​kooxda Boko Haram ee Daacish.