Nigeria: Tirada dadka ku dhintay weeraradii ka dhacay gobolka Benue ayaa aad u kordhay

20 April, 2025

Ugu yaraan 56 qof ayaa lagu dilay weerarro ka dhacay bartamaha gobolka Benue ee dalka Nigeria.

Tirada dhimashada weeraradii ka dhacay gobolka Benue ee bartamaha Nigeria ayaa gaartay 56 qof.

Badhasaabka gobolka Benue Hyacinth Alia ayaa soo xigtay tiradaas Sabtidii isagoo booqanaya laba tuulo oo dabley ay weerareen habeenimadii Khamiista 17-kii Abriil, 2025, illaa Jimcihii.

Booliska ayaa horey u sheegay in 17 qof la dilay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay suuragal tahay in tiradaasi ay kororto maadaama uu wali socdo baaritaanka.

Weeraro xoogan oo ka dhacay gobolka dhexe ee Nigeria
Tani waa qalalaasihii ugu dambeeyay ee rabshada beeleed ee ku dhufatay bartamaha Nigeria, oo loo yaqaan Middle Belt, toddobaadyadii la soo dhaafay.

Dhacdo kale oo dhacday horaantii isbuucaan, 11 qof ayaa lagu dilay weerarro hubeysan oo ka dhacay deegaanka Otukpo ee Benue.

Waqooyiga iyo bartamaha gobolka Plateau ee u dhow, laba weerar oo laba toddobaad gudahood ah ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof. Guryo ayaa dhulka la la simay oo la bililiqaystay sida ay sheegtay hay’adda Amnesty International, boqolaal qof ayaana ku barakacay.