Nin ku eedaysan falal ka dhacay Magaalada Qardho oo laga soo qabtay Rwanda.

19 October, 2025

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday inay dalka Ruwanda ka soo qabatay Jaamac Cabdi Maxamed…

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday inay dalka Ruwanda ka soo qabatay Jaamac Cabdi Maxamed oo ku eedeysan in uu magaalada Qardho ee Puntland ka sameeyay kufsi, duubis iyo baahin muuqaalo anshax-xumo .

Qoraal ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa lagu sheegay in isaga oo kaashanaya booliska Soomaaliya qeybta la shaqeysa booliska caalamiga ah ay dalka Ruwanda ka soo qabteen eedeysanahan oo baxsad ka ahaa hey’adaha caddaaladda.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa tilmaamay in eedeysanahan shalay galab laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, laguna xiray xabsiga qaybta baarista dambiyada booliska (CID).