Nin ku eedaysan kufsiga laba gabdhood oo walaala ah oo Garoowe maxkamadi uga furantay.

7 July, 2025

Maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Nugaal ayaa maanta u fariisatay kiis ciqaabeed kufsi ah oo uu…

Maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Nugaal ayaa maanta u fariisatay kiis ciqaabeed kufsi ah oo uu eedaysane ka yahay Sharma’arke Xuseen Yuusuf kuna eedaysan kiisas kufsi ah oo ay ka mid yihiin labo (2) gabdhood oo caruur ah iyo walaalkood Walaalkood oo loo geystey jirdil.

Kiis ciqaabeedkaan uu ku eedaysan yahay Sharma’arke Xuseen Yuusuf oo 11/05/2025 ka dhagacay magaalada Garowe ee caasimadda dowladda Puntland, sida uu shaaciyey guddoomiyaha maxkamadda Derejada 1aad ee gobolka Nugaal Cabdikariin Maxamed Nuur.

Kiiskaan ayaa waxaa dhibbanayaal ka ah Faadumo Maxamed Weynaade iyo Siciid Maxamed Weynaade oo lagula kacay fal-dambiyeed kufsi ah iyo walaalkood oo jirdil loo geystey xiilligii kiisku dhacay.