Nin ku eedeysan musuqii “Feeding Our Future” oo dib loogu soo celiyey Mareykanka

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Federaalka ee Gobolka Minnesota ayaa xaqiijiyey in Cabdikariim Ciidleh, oo 42 jir ah oo laga soo qabtey Soomaaliya, hadda lagu hayo xabsiga degmada Sherburne

17 July, 2026
Abdikerm Abdelahi Eidleh
Abdikerm Abdelahi Eidleh 

Minnesota, Mareykanka – Dowladda Mareykanka ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in si guul leh dalka looga soo celiyey Cabdikariim Ciidleh (Abdikerm Eidleh), oo ka mid ahaa eedeysaneyaasha waaweyn ee kiiska musuqmaasuqa Feeding Our Future. Ciidleh ayaa muddo afar sano ah baxsad ku jiray, waxaana saraakiisha FBI-da ay ka soo kaxeeyeen Soomaaliya iyagoo geeyey gobolka Minnesota.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Federaalka ee Gobolka Minnesota ayaa xaqiijiyey in Ciidleh, oo 42 jir ah, hadda lagu hayo xabsiga degmada Sherburne, halkaas oo uu ku wajahayo dacwadaha la xiriira musuqmaasuq iyo khiyaano dhaqaale.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa Cabdikariim Ciidleh ku xiray magaalada Muqdisho 26-kii Juun. Dowladda Mareykanka ayaa uga mahadcelisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), hay’adaha kale ee amniga iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed doorkii ay ka qaateen soo qabashadiisa iyo dib ugu celintiisa Mareykanka.

Sida lagu eedeeyey, Ciidleh wuxuu ahaa qofka labaad ee ugu muhiimsanaa howlgalka musuqmaasuqa Feeding Our Future. Dad hore loogu helay dambiyada kiiskan ayaa maxkamadda ka sheegay in uu si toos ah ugu qortay qorshahaas isla markaana uu ka ururin jiray lacago dib-u-celin (kickbacks) oo laga siin jiray hay’adda Feeding Our Future si loogu daro barnaamijka federaalka ee quudinta carruurta.

Baaritaannada ayaa muujiyey in ururo ka qaybgalayey barnaamijka ay sheegeen inay quudiyeen carruur aad uga badan tiradii dhabta ahayd, halka qaar kalena lagu eedeeyey inay gebi ahaanba been ka sheegeen adeegyo aysan bixin. Qaabkaas ayaa lagu helay in ka badan 250 milyan oo doollar oo lacag federaal ah.

Dacwad-oogeyaashu waxay sidoo kale ku eedeeyeen Ciidleh inuu si dhow ula shaqeyn jiray Agaasimihii Fulinta ee Feeding Our Future, Aimee Bock, isla markaana uu sameystay shirkado magac-u-yaal (shell companies) si loogu wareejiyo ku dhowaad 5 milyan oo doollar oo lacagta dowladda federaalka ah.

Ciidleh ayaa la sheegay inuu Soomaaliya joogay muddo sanad ah ka hor intii aan dacwad lagu soo oogin dabayaaqadii 2022. Waxaa markaas lagu soo oogay 31 dacwadood oo la xiriira khiyaano iyo musuqmaasuq, hase yeeshee wuxuu dibadda ku sii noolaa isagoo baxsad ah muddo afar sano ah.

Soo celinta Ciidleh ayaa dhacday inkastoo Mareykanka iyo Soomaaliya aysan lahayn heshiis rasmi ah oo isdhaafsi dambiilayaal (extradition treaty). Si kastaba ha ahaatee, labada dowladood ayaa muddo dheer iska kaashanayay arrimaha amniga iyo la-dagaallanka dambiyada caalamiga ah.

HORSEED MEDIA