Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegay in ay dileen horjooge sare oo…

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegay in ay dileen horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab kadib howlgal qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Show ee gobolka Hiiraan. NISA ayaa xaqiijisay in howlgalkaasi lagu bartilmaameedsaday Xuseen Cabdullaahi Dalab oo loo yaqaanay Caamir kana mid ahaa madaxda amniyaadka kooxda ee gobolka Hiiraan.
War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in Caamir uu muddo dheer u qaabilsanaa qorsheynta iyo fulinta weerarro iyo qaraxyo ka dhacay deegaanno badan oo ka tirsan Hirshabeelle kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah iyo askar ciidan ah.
Saraakiisha NISA ayaa ku tilmaamay dilka horjoogahan guul weyn oo lagu daciifinayo awoodda Al-Shabaab iyagoo sheegay in talaabadan ay carqalad ku tahay isku xirka iyo sahayda kooxda ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee NISA ma aysan soo bandhigin sawirro ama muuqaallo caddeynaya dilka Caamir balse waxay ku adkeysatay in howlgalka uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay oo aan wax khasaare ah ka soo gaarin ciidamada fuliyay.
Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalmihii u dambeeyay ciidamada NISA ay kordhiyeen weerarrada qorsheysan ee lagu beegsanayo horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab qaybna ka ah dadaallada dowladda federaalka ee lagu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.



