NISA oo Basra ku dishay xubno ka tirsan Al-Shabaab

7 October, 2025

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan…

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda, howlgalka ayaa ka dhashay xog sirdoon oo xaqiijisay in kooxdaasi ay qorsheynayeen falal amni-darro oo ka dhaca inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad.

Intii uu socday howlgalka ayaa lagu dilay toddobo xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen. Ciidamada NISA ayaa si toos ah u beegsaday goob ay isku aruursanayeen maleeshiyaadka, iyadoo teendhadii ay ku dhuumanayeen gebi ahaanba la burburiyay.

Warbixinta NISA ayaa sheegtay in maleeshiyaad tiradoodu gaaraysay ilaa 40 xubnood lagu diyaarinayay goobta weerarka ka dhacay, balse howlgalka lagu fashiliyey qorshahooda. Taliska NISA ayaa tilmaamay in aan wax khasaare ah soo gaarin shacabka deegaanka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ay wadaan si loo xakameeyo khatarta argagixisada. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalka uu guul weyn ku dhammaaday, isla markaana uu ka hortagay weerarro qorsheysnaa oo lagu waxyeelleyn lahaa shacabka iyo amniga guud ee dalka.

Hay’adda NISA ayaa ku celisay sida ay uga go’an tahay inay sii xoojiso howlgalada noocan oo kale ah, si looga hortago falalka argagixisada ee ay Al-Shabaab ku carqaladeeyaan deegaannada muhiimka ah ee dalka, gaar ahaan waddooyinka isku xira caasimadda iyo degmooyinka kale ee muhiimka ah.