NISA oo Muqdisho ku qabatay shabakad ka tirsan Alshabaab.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay sagaal xubnood oo lagu eedeeyay…

8 August, 2026

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay sagaal xubnood oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu qabtay howlgallo amni oo laga sameeyay magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.

Sida lagu sheegay xogta laga helayo NISA, xubnahan ayaa ku howlanaa qorsheynta iyo abaabulka falal amniga lid ku ah oo la doonayay in laga fuliyo Muqdisho iyo nawaaxigeeda, iyadoo ciidamada sirdoonku muddo la socdeen dhaqdhaqaaqyada iyo xiriirrada ay sameynayeen.

Xubnaha la qabtay ayaa si dhuumaaleysi ah ugu sugnaa degmooyinka Garasbaaley iyo Kaxda, iyo sidoo kale xaafado ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidamada NISA ay ka sameeyeen howlgallo lagu beegsanayay shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Hay’adda ayaa sheegtay in afar ka mid ah sagaalka qof ay ahaayeen shabakad isku xiran, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen falal argagixiso oo lagu dhibaateyn lahaa shacabka Soomaaliyeed, laguna qalqal gelin lahaa amniga iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho.