NISA oo shaacisay in hawlgal lagu beegsaday guri ay ku shirayeen xubno katirsan Alshabaab.

15 January, 2026

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa fulisay hawlgal culus oo…

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa fulisay hawlgal culus oo lala beegsaday guri ay ku shirayeen malayshiyaad iyo horjoogayaal katirsan kooxda Alshabaab.

Qoraal ka soo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu bartilmaameedsaday guri ay ku shirayeen horjoogeyaal sare oo ka tirsan kooxdaka Al-Shabaab oo ku yaala degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.

“Qoraalka Taliska NISA ayaa u qornaa sidan:-” Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal culus oo lagu bartilmaameedsaday guri ay ku shirayeen Horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe”, Ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe wadey hawlgallo qorshaysan oo lagu beegsanayo kooxda Alshabaab oo gacanta ku haysa degmooyin iyo deegaamo katirsan gobolka Jubbada dhexe ee Jubbaland.