Norway ayaa u muuqata inay bilaabayso baaritaan ay ku samaynayso wasaaradeeda arrimaha dibadda oo ku saabsan xidhiidhkii uu la lahaa dambiilaha galmada ee Maraykanka Jeffrey Epstein, taasi oo ka mid ah saamayn dhawr waddan oo Yurub ah oo dareemay kulaylka fadeexad aan weli sababin saamayn siyaasadeed oo weyn oo uga timid Maraykanka.

Siideynta kayd aad u weyn oo faylal cusub ah usbuucii hore ayaa shaaca ka qaaday xiriiro badan oo Epstein ah oo ay la leeyihiin siyaasiyiinta, qoyska boqortooyada iyo taajiriinta caalamka.
Ra’iisul wasaaraha Britain Keir Starmer mustaqbalkiisu wuxuu u muuqdaa mid aan la hubin kadib go’aankii uu sannadkii hore ugu magacaabay Peter Mandelson inuu noqdo safiirka Maraynkanka, kaasi oo saaxiib dhow la lahaa Epstein.
Boqorka UK walaalkii, Andrew Mountbatten-Windsor, ayaa mar hore lagu qasbay inuu ka tanaasulo magaciisii boqornimo iyo degaankii quruxda badnaa, waxaana hadda sii kordhaya cadaadiska isaga lagu saarayo inuu marqaati ka noqdo gudaha Maraykanka.
Slovakia, lataliyihii amniga qaranka ee ra’iisul wasaare Robert Fico ayaa is casilay ka dib markii la shaaciyay iimaylo uu haweenka da’da yar ee Epstein kala hadlay.
Waxaana wasiirkii hore ee dhaqanka ee Faransiiska Jack Lang loogu baaqay inuu iska casilo xilka madaxweynaha machadka dunida Carabta.
Laakiin Norway, oo ah hoyga abaalmarinta nabadda ee Nobel iyo inta badan diblomaasiyadda caalamiga ah, ayaa u muuqata inay qayb ku leedahay fadeexadaasi.
Shaqsiyaad ay ku jiraan Crown Princess Mette-Marit oo ah xubin ka mid ah guurka qoyska boqortooyada Norway iyo wasiirkii arrimaha dibadda Thorbjoern Jagland ayaa dhamaantood baaritaan cusub lagu hayaa.
Sidoo kale wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Norway Boerge Brende, oo hadda ah hoggaamiyaha Madasha Dhaqaalaha Adduunka; Mona Juul oo ah diblamaasi Norwey u dhalatashay hadana ah safiirka Jordan iyo Ciraaq iyo ninkeeda Terje Roed-Larsen ayaa baaritaan lagu hayaa.
Jimcihii, Mette-Marit waxay mar labaad raaligelin ka bixisay bayaan ka soo baxay qasriga, gaar ahaan boqorka iyo boqoradda, xiriirka ay la leedahay Epstein. Faylasha ugu dambeeyay ee Mareykanka ayaa muujiyay xiriiro badan oo iimaylo ah oo lala sameeyay isaga xitaa ka dib markii lagu helay dambiga galmada ee carruurta 2008.
Jagland sidoo kale waa gudoomiyihii hore ee guddiga Nobel-ka Norway, waxaana looga shakisan yahay dhacdadan.
Juul iyo Roed-Larsen waxay gacan ka geysteen samaynta kanaalka sirta ah ee xidhiidhka u dhexeeya Ururka Xoraynta Falastiin iyo dawladda Israa’iil ee horseeday heshiiskii Oslo 1993-1995.
Dhammaantood waxaa la ogaa inay xiriir la lahaayeen Epstein, laakiin faylalka cusub waxay bixiyeen faahfaahin badan.
Inta badan xisbiyada baarlamaanka Norway ayaa u muuqda inay diyaar u yihiin inay taageeraan baaritaan madax bannaan oo lagu sameeyo wasaaradda arrimaha dibadda, sida ay sheegtay warbaahinta Norway.
Horseed Media



