Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo oo ay weheliyaan isimada dhaqanka Sanaag iyo Somaliland…

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo oo ay weheliyaan isimada dhaqanka Sanaag iyo Somaliland ayaa Ceerigaabo kaga qaybgalay gabagabada shirka nabadda Ceerigaabo, iyadoo laga soo saaray qodobo ay kamid yihiin.
Beelaha shirka ka qaybgalay waxay isla qaateen in ay ilaashadaan nabadgelyadooda, wadajirkooda, walaatinimadooda iyo dowladooda Somaliland, sida lagu sheegay war-murtieedka.
Beelaha reer Sanaag waxay kaloo isla qaateen in nabad loogu baaqo lagana howlgalo sidii loo raadin lahaa cid kasta oo ka maqan nabadda Ceerigaabo.
Beelaha gobolka Sanaag waxay ugu baaqeen xukuumadda Somaliland in ay gobolka mashaariic horumarineed ka fuliso, sida ugu dhakhsaha badan.
Beeluhu waxay ku heshiiyeen in guud ahaan amniga gobolka ay mas’uul tahay dowladda Somaliland, cid kasta oo nabadda caqabad ku ahna tallaabo ka qaado.



