Hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Iran Mojtaba Khamenei oo jeediyey khudbaddiisii ugu horreysey ayaa si adag diiradda…

Hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Iran Mojtaba Khamenei oo jeediyey khudbaddiisii ugu horreysey ayaa si adag diiradda u saaray iska-caabbinta Mareykanka iyo Israa’iil, sii wadidda dagaalka, iyo midnimada gudaha Iran iyo maamulka Marinka Hormuz.
Iran waxay sii wadi doontaa dagaalka
Mojtaba Khamenei wuxuu sheegay in Iran aysan joojin doonin iska-caabbinta ka dhanka ah Mareykanka iyo Israa’iil, isla markaana ay sii wadi doonto weerarrada haddii cadaadiska la sii wado.
Xidhitaanka marinka Hormuz
Hoggaamiyaha cusub ee Iran ayaa waxa uu ku hanjabay in Iran sii wadi doonto xiritaanka marinka muhiimka ah ee Strait of Hormuz, si ay cadaadis ugu saarto Mareykanka iyo xulafadiisa.
Dalalka Khaliijka fariin loo diray
Wuxuu ugu baaqay dalalka Khaliijka inay ka saaraan saldhigyada militariga Mareykanka, isagoo sheegay in joogitaankoodu khatar ku yahay gobolka.
Taageeridda xulafada Iran
Khudbaddiisa wuxuu ku amaanay kooxaha la safan Iran sida Hezbollah iyo Xuutiyiinta, isagoo sheegay inay qayb ka yihiin iska-caabbinta gobolka, isagoo ku baaqay in shacabka Iran ay midoobaan si ay uga hortagaan weerarrada dibadda iyo cadaadiska caalamiga ah.



