Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hortegey kulan aan caadi ahayn…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hortegey kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia.
Xasan Sheekh Maxamuud oo codsaday fadhiga aan caadiga ahayn ee xildhibaanada labada aqal ayaa jeediyey khudbad uu kaga hadlayey xaaladda dalka, gaar ahaan tallaabadii ay Isra’il dowlad madax-banaan ugu aqoonsatay Maamulka Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa golayaasha barlamaanka Somalia u sheegay in dalka lagu soo duuley ayna dagaal cad ku soo qaadeen Ras’iisul Wasaaraha Yuhuudda iyo xukuumaddiisu, isagoo dalbaday in gacmaha lays qabsado lana qaado tallaabooyin kor loogu qaadayo midnimada dhuleed iyo dadeed ee Somalia.
“Somalia duruufo badan ayey soo martay laakiin 26 sano ma soo marin wixii uu sameeyey Netanyahu, tallaabada uu qaadayna waa mid gardarro ah oo baalmarsan shuruucda caalamiga ah, waxayna ka dhigan tahay duulaan qaawan oo lagu soo qaaday Somalia”, Ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.
“Gobolada Waqooyi waa qayb kamid ah jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia, waxaana cod dheer ku sheegaynaa inaan Somalia lakala qaybin karin, tallaabada Netanyahu waxay dhiirigelinaysaa argagixisada, waxayna wiiqaysaa dedaaladii nabadda gobolka”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray,”Waxaan dalbanaynaa in dalalka caalamka, kuwa deriska ah iyo ururada caalamiga ah inay nagu garab istaagaan dedaalada diblumaasiyadeed ee aan wadno, shacabka Soomaaliyeedna ay midoobaan, lama joogo xilli aan qololo iyo qabiil noqono ee aan difaacano qarannimadeeda, Madaxweyne Cirro waxaan lee yahay shacabka gobolada Waqooyi wax qaldan ha u riixinina oo ha gelininada qol mudgdi ah.”



