Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaarayaal hore, xildhibaano iyo siyaasiyiin katirsan mucaaradka Madaxa banaan ee Soomaaliya ayaa maanta…

Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaarayaal hore, xildhibaano iyo siyaasiyiin katirsan mucaaradka Madaxa banaan ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho uga furmay shir looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed iyo ammaan ee dalka Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadlay ayaa madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyey ku tagrifal awoodeed iyo inay dadka ku qasbayaan doorasho hal dhinac ah.
“Dadka xoog ayaa lagu diiwaangalinayaa Jaamacadihii baa soo cabanaya war doorasho xoog maaha, Wadankaan taladiisa xal Xisbi lama carari karo,Madaxweynuhu shalay halkaan ayuu nala fadhiyey ee maxaa ku dhacay”, Ayuu yiri Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hadlay ayaa sheegay in ujeedada shirkaani tahay sidii loo badbaadin lahaa hanaanka siyaasadeed ee dalka, “Shirkan qodobo aan rajeyneyno in dalka lagu badbaadiyo ayaan kasoo saareynaa”
“Xasan Sheekh Xilligii uu Mucaaradka ahaa aniga iyo MW Farmaajo Cabashadiisii waan dhageysannay maantana wuu ku qasbanyahay inuu anaga na dhageysto”, Sidaas waxaa yiri Maxamed Mursal Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Dhanka kalena Xasan Cabdinuur, ayaa sheegay in ay horay u maqnayd Somaliland ayna halis kujiraan Puntland iyo Jubbaland, “Maanta Soomaaliland ma joogto waxaana kacabsi daran in la yiraahdo Puntland iyo Jubbaland ha iska maqnaadaan Baarlamaankiina uu la walaaqdo Xasan Sheekh”.



