Shirkii madasha wadatashiga Qaran ee gogoshiisu taalley Magaalada Muqdisho ayaa la soo gabagabeeyey iyadoo laga soo…
Shirkii madasha wadatashiga Qaran ee gogoshiisu taalley Magaalada Muqdisho ayaa la soo gabagabeeyey iyadoo laga soo saaray qodobo la xiriira arrimaha ammaanka, dastuurka, diqumuraadiyadda iyo doorashooyinka.
Shirka ayaa taageeray go’aankii DFS wax uga bedeshey dastuurka dalka, waxaana lagu xusay bayaanka in dastuurku yahay manoole marwalba waxka bedel lagu samayn karo.
War-murtiyeedka ayaa si cad loogu diidey in dib loogu laabto nooc kasta oo doorasho dadban ah. Waxaa si gaar ah loogu baaqay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka dowladaha hoose ee deegaanada aan Puntland iyo Somaliland ahayn.

