Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaamada Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay xiriiro kala duwan la…

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaamada Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay xiriiro kala duwan la sameeyey xukuumadda Puntland, kadib awaamiir la xiriirtay inay muddo 48 saac gudohood ah dowladda isugu dhiibaan ciidamada ku biiray Dowladda Somalia.
Ilo wareedyo ku sugan Garoowe ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in oday dhaqameed ku sugan gobolada Bari, Nugaal iyo Mudug ay siyaabo kala duwan xukuumadda shaqsiyaad katirsan iyo saraakiil ciidan ugala hadleen saamaynta go’aamadaasi iyo sida laga yeelayo ciidamo ku sugan deegaamadooda.
Ujeeddada xiriiradaan kala duwan ayaa lagu sheegay kuwa lagu baajinayo dagaal lagu qaado saldhigyo ay ciidanka federalku ku leeyihiin Galkacyo, Garoowe iyo Carmo, xilli uu dhammaad yahay waqtigii loo qabtay inay dowladda isu dhiibaan.
Dowladda iyo dhinacyada ka socda dhaqanka ayaa weli ka arrinsanaya sida ugu habboon ee ciidamadaasi ugu biiri karaan kuwa dowladda, iyadoo xeryaha qaar ay kajirto kala aragti duwanaan sarraysa.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan ku goodiyey inuu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono dhammaan ciidamada katirsan DFS ee ku sugan Puntland haddii aysan ku soo biirin kuwa dowladda muddo laba cisho ah.




