Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia waxaa ka socda dedaalo looga hortegayo dagaal ka qarxa deegaamada Maamulka…

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia waxaa ka socda dedaalo looga hortegayo dagaal ka qarxa deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia, laysuguna keenayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Lafta-gareen.
Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaamada Koonfur Galbeed Somalia oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in labada dhinac ka aqbaleen in lagu wadahadlo magaalada Baydhabo iyo in la furo duulimaadyada Muqdisho iyo Baydhabo.
“Anagoo Indhaheena ay shanta yuhiin in Koonfur Galbeed ay bur burto waa wax aanan yeeli karin, Cid aan ka aqbalaynana ma jirto, MW Xasan Iyo MW Laftagreen waa la hadalnay labadana waa ayna soo dhaweeyeen”, Ayuu yiri Suldaan Warsame Suldan Aliyow Suldan Ibrow.
Dhankiisa Ugaas Nuur Shakow, ayaa uga digey siyaasiyiinta hubaysan inay colaad ka abuuraan deegaamada Koonfur Galbeed Somalia,”‘Dadkii Shalay ku haminaayay in ay xabad wax ku raadiyaan Waxaan rabnaa in ay maanta nabad wax ku raadiyaan, iyadoo abaar ay jirto Koonfur Galbeed In qoryo lisku qaato wax la aqbali karo maahan.”




