Odayaasha dhaqanka oo dhexdhexaadin ka dhex bilaabaya mucaaradka & DFS.

30 April, 2026

Qaar kamid ah isimada dhaqanka Soomaalida ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa bilaabaya dhaqdhaqaaqyo ay ku…

Qaar kamid ah isimada dhaqanka Soomaalida ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa bilaabaya dhaqdhaqaaqyo ay ku dhex-dhexaadinayaan dowladda federalka ah ee Somalia & dhinacyada mucaaradka, si xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Guddigaan dhaqan oo ka soo kala jeeda beelo kala duwan ayaa lagu wadaa inay maanta yeeshaan kulan dhexdooda ah si ay uga arrinsadaan jidka ugu habboon ee ay ku wajihi karaan dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka inaysan faraha ka laaban xaaladda dalka, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay inuusan talada isku isku koobi doonin haseyeeshee ay ka go’an tahay hirgelinta damicisiisa ku aadan arrimaha doorashooyinka.

Guurtida Soomaalida ee ku sugab Muqdisho ayaa ku kala aragti duwan sida wax u socdaan, waxaana qaarkood ugu baaqeen dowladda inay talada dhulka dhigto, halka xubno kalena la dhacsan yihiin qorshaha Villa Somalia.