Odayaasha gobolka Nugaal oo balanqaad u sameeyey laamaha ammaanka Garoowe.

Qaar kamid ah cuqaasha iyo nabadooda gobolka Nugaal ayaa markale soo dhaweeyey hawlgallada ay Garoowe ka…

22 November, 2025

Qaar kamid ah cuqaasha iyo nabadooda gobolka Nugaal ayaa markale soo dhaweeyey hawlgallada ay Garoowe ka bilaabeen ciidamadii cusbaa ee dhawaan lagu wareejiyey ammaanka Magaalada caasimadda ah.

Nabadoon Abshir Cali Hawlow oo kamid ah cuqaasha gobolka Nugaal ayaa ballanqaaday inay dhinac walba kala shaqayn doonaan ciidanka ammaanka isagoo shacabka ugu baaqay inay bixiyaan dhammaan xogaha dhanka ammaanka la xiriira.

Nabadoonka ayaa sidoo kalea, ugu yeeray dhammaan shacabka Garoowe inay guryohooda iyo goobohooda ganacsiga ku xiraan Kaamirooyinka xogta duuba si ay u caawiyaan dabagalka falalka ammaanka liddiga ku ah.

“Haddaanu nahay shacabka waa idinla shaqaynaynaa, waxaan shacabka ugu yeerayaa inay guryaha ku xiraan kaamirooyinka, waxay ciidanka u fududaynayaan wax badan oo qaladaada ah oo magaalada ka dhaca”, Nabadoon Abshir Cali Hawlow.