Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal ayaa si adag u cambaareeyey munaasabado lagu xusay 18-ka…

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal ayaa si adag u cambaareeyey munaasabado lagu xusay 18-ka May oo ah maalinta gooni isu taagga Somaliland, kuwaasi oo lagu qabtay deegaamo katirsan Puntland, gaar ahaan degmooyinka Garoowe iyo Eyl.
Odayaasha oo ku shiray Garoowe ayaa tallaabadaasi ku sheegay mid gaf ku ah midnimada Somalia, aanna waafaqsanayn mowqifka Puntland ee ku aaddan ilaalinta midnimada Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in dadka abaabulay munaasabadahaasi ay sameeyeen “gaf siyaasadeed” oo abuuri kara kala qaybsanaan iyo xiisad bulsho.
Odayaasha ayaa sidoo kale ugu baaqay Dowladda Puntland inay si cad uga jawaabto dhacdooyinkaasi, isla markaana ay qaaddo tallaabooyin looga hortagayo falal ay ku tilmaameen kuwo lidi ku ah jiritaanka iyo wadajirka dalka, iyagoo xusay in Puntland ay mar walba difaac u ahayd midnimada Soomaaliya, sidaas darteedna aan loo dulqaadan karin dhaqdhaqaaqyo ka hor imanaya mabda’aasi.
Dhanka kale, ciidamada Danab ee ay taageerto Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey go’aanka iyo hadallada kasoo baxay odayaasha gobolka Nugaal, iyagoo sheegay inay taageerayaan midnimada Somalia.



