Ergadii metelayey gobolka Haylaan ee u joogay Laascaanood dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari oo horay…

Ergadii metelayey gobolka Haylaan ee u joogay Laascaanood dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari oo horay uga baxay shirka ayaa la hadlay warbaahinta maalmo ka dib waxaana ay cadeeyeen in feregalin iyo sad bur ka dhacay dhismaha maamulka cusub.
Odayaashan ayaa sheegay in Laascaano u yimaadeen sidii ay wax ula samaysan lahaayeen Beesha gobolka Sool waxaana ay sheegeen in ujeedkoodu ahaa in si siman loo dhiso maamulka.
Waxaa ay sheegeen inay isku biirayeen labo maamul oo kala ahaa SSC Khaatumo iyo Maakhir waxaana y useen in maadaama dhulka iyo maamuladu sinaayeen ay ahayd in xubnaha iyo xilalka maamulka cusub noqdaan kuwo si cadaalad ah loo qayb saday sad bursina dhinacna samayn.
“Waa lagu tuntay wixii aan halkan u nimid dowladdan waa umaamad, waxaa meel lawada geliyey boob iyo umaamad, xeerkii shalay la ansixiyey ayaa maanta wax lagu boobayaa, labo beelood ahaan baa iskugu nimid oo duruufo badan ka dhaxeeyaan baanahay inaan wax wada dhisano bay ahayd waxaa ka soo soko maray boob, waxaan leenahay halaga qabto siyaasiyiinta danta gaarka ah leh.” Ayey yiraahdeen Odayaashan.
Odayaashan oo markoodii hore ka tagay magaalada Dhahar waxay sheegeen inaysan wax maamul ah la samaysan gobolka Sool waxaana ay sheegeen in dhismaha Waqooyi Bari laga ilaalin waayey dhibaatooyinka caqabad ku noqonaya dhismahiisa bilowga ah.
30-July ayaa ergadan iyo xubno siyaasiyiin ah oo metelayey gobolka Sanaag ay iskaga baxeen shirka markaas oo ay gabagabo ahayd dhismaha maamulka Waqooyi Bari.



