Ogaysiiskaan waxaa loo sameeyey guud ahaan dadka soomaaliyeed, waxaa samaynaysa shirkada Wrangler Apparel Corp., taas oo xarunteedu tahay dalka Maraykanka, waxay cadeynaysaa inay tahay mulkiilaha iyo ikhtiraacaha calaamad ganacsiyeed-yadaan hoos ku xusan;


Xarfaha uu eraygu ka kooban yahay waxay lee yihiin geeso fiiqfiiqan, si gaar ah xarafka “g” wuxuu u habeysan yahay si gaar ah iyadoo qeybta danbe ee g ay laaban tahay si c oo kale ah. Taas oo ka dhigaysa hab gaar u ah calaamadaan.
Calaamad-ganacsiyeedkan waxay ka kooban tahay xarafka “W” iyadoo u naqshadeysan laba xaraf oo W oo is dulsaaran, kuwaas oo qaabka sigsaag ah ama tushtush ah u qoran. Xarafku waa laba W oo waaweyn hadana fasiix ah kuwaas oo ka dhigan kuwo si gaar ah loo diyaariyey.
Calaamad-ganaciyeedkan waxay ka kooban tahay ereyga “Wrangler”, kaas oo u qoran hab madow ah, una naqshadeysan sida far-nooceedka sans-serif typeface.
Xarfaha uu eraygu ka kooban yahay waxay lee yihiin geeso fiiqfiiqan, si gaar ah xarafka “g” wuxuu u habeysan yahay si gaar ah iyadoo qeybta danbe ee g ay laaban tahay si c oo kale ah. Taas oo ka dhigaysa hab gaar u ah calaamadaan.
Fasalka 25aad
Calaamad-ganacsiyeedyada kor ku xusan waxay loo diiwangliyey fasalka 25aad ee kala abla ableynta fasalada adeegyada ganacsiga ee WIPO (haayada caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda gaar ah), fasalkaas oo ku saabsan arimaha dharka, luga gashiga oo dhan, iyo madax gashiyada. Kuwaas waxaa ka mid ah maryaha kor laga xirto sid koorarka, jaakadaha, kuwa balaserka ah, jaakadaha dhaadheer ee xaragada iyo qabowga, jaakad tiinada, kuwa dhaxanta ee dumarka. Sidoo kale waxay u gaar tahay sameynta dharka caadiga ah iyo kuwa labiska, sida funaanadaha, kuwa kuleetiga leh, shaararka dumarka, shaararka raga ee labiska, saraawiisha, koonooyinka iyo dharka dareeska ee dumarka. Intaas waxaa dheer, dharka alaamiitada iyo kuwa ciyaaraha.
Calaamad-ganacsiyeedyadu waxa kaloo kaloo hoos tagaya adeegyada kala ah dharka hoose ee dumarka, dharka kore ee dumarka kuwaas oo jilicsan, dharka dabaasha, dharka shaqada, iyo unifoomyada kala duwan. Dhanka caga gashiga waxaa ka mid ah, kabaha caadiga ah, boodka, kabaha xaragada iyo kuwa sboortiska. Ugu danbeyntii madaxgashiyada waxaa ka mid ah, koobiyada kubada koleyga, koobiyada farda fuulista, kofiyadaha suudadka, koofiyadaha dalxiiska, koofiyadaha qoraxda, koofiyadaha barafka. Koofiyadaha difaaca, sida kuwa ciyaaraha nooc walba.
Mulkiilaha calaamad-ganaciyaadyadu wuxuu wakhti badan, dadaal, tacab, iyo xoolo galiyey hal abuurista naqshadaha ay u sameysan yihiin calaamadihiisu, sidoo kale kor u qaadida iyo aqoonsi u helidooda, waxayna ka turjumayaan kuwa lagu beekhaamiyey adeegyada tayada sareeya ee uu mulkiiluhu bixiyo. Calaamad-ganacsiyeedyadu waa kuwa guud ahaan caalamka laga aqoonsadey kuwaas oo ku suntan niyad samida iyo sumcad balaaran ee shirkada (mulkiilaha) uu ku dhex lee yahay suuqa, dharka, faashiyoonka, iyo xaragada.
Ogaysiiskaani waxaa loo sameynaya si loo ogaysiiyo guud ahaan bulshada, ganacsatada, kuwooda jumlada iyo kuwooda tafaariiqda, iyo cid walba oo ku lug leh arimaha ganacsiga noocuu donaba, in calaamad-ganacsiyeedyadaas kor ku xusan ay gaar u yihiin iskala lee dahay shirkada Wrangler Apparel Corp., cid walba oo isku deyda amar la’aan ama fasax la’aan isticmaalkooda, dib u qaabeyntooda, koobigareyntooda, ama si xun u matalidooda iyagoo iska dhigaya iney lee yihiin in dhamaan ay mamnuuc tahay.
OGAYSIISKAAN WAXAA LA SIIYEY dhamaan cid walba ay khuseyso, kuwaas oo ay ku jiraan, dulaalada, ganacsatada, iyo dhamaan shakhsiyaadka, in cidii si sharci daro ah ama xad-gudub ah u isticmaasha calaamad-ganacsiyeedyadaas, ay ku xad-gudubtay xaquuqdii gaarka ahayd iyo halabuurkii shirkada Wrangler Apparel Corp. taas ay ay shirkadu la tiigsan doonto sharciga iyo cadaalada. Xad-gudubka noocaas ah waxaa ka dhalanaya masuuliyad maadi ah iyo mid ciqaab ah taas oo dhigayaan shuruucda dalka soomaliyeed guud ahaan.
Shakhsi, shirkad, ama cid walba oo iska yeelyeesha, koobi gareysa, six un u isticmaasha, ama si kale ugu xadgudubta calaamad-ganacsiyeedyadaas, iyagoo wax ogolaansho ah ka haysan mulkiilaha xaqa ah waxay wajahayaan tilaabo sharciga waafaqsan sida ay qabaan shuruucda ilaalinta xuquuqda gaar ah ee Somalia, Somaliland, Puntland iyo deegaanada kale ee dalka.
Wrangler Apparel Corp., waxaa ka go’an inay cid walba oo ku xad-gudubta ay la tiigsado sharciga iyo cadaalada, qaadana tilaabooyinka ku haboon sida is-hortaagid, magdhow maaliyadeed, garmaqal ciqaabeed si ay uga hortagto cid walba oo aan sifo sharci daro ah ugu xad-gudubta xuquuqdeeda gaarka ah ee mulkiyada iyo hal-abuurida calaamad-ganacsiyeedyada kor ku xusan.
DHAMAAN SHIRKADAHA IYO SHAKHSIYAADKA WAXAA LA OGAYSIINAYAA inay ixtiraamaan ogaysiiskaan ayna ka feejignaadaan isku dey kasta oo keeni kara isku dhaca iyaga iyo mulkiilaha (Wrangler Apparel Corp.). cid walba oo u baahan sifo sharci inay u isticmaasho ama loo ogolaado isticmaalkooda waa inay helaan ogolaanshiyaha xaqlaha/mulkiilaha iyagoo ka codsanaya.
Wixii faahfaahin dheeri ah oo ku aadan ogolaansho helida isticmaalka calaamad-ganacsiyeedkaan kor ku xusan waxay lasoo xiriiri karaan:
BERDOU ATTORNEYS
Address: Johannesburg, South Africa
Email: mail@berdou.co.za
Tel: +27114675776 ABISOM IP & Law Firm
Address: Mogadishu & Garowe – Somalia
Email: info@abisomip.com
Tel: (+252) 907709958
Horseed Media