Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta si rasmi ah uga daah-furay Caasimadda Galmudug…

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta si rasmi ah uga daah-furay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, Ololaha Diiwaan Galinta Doorashooyinka Qof iyo Cod.
Madaxweynaha oo noqday qofkii ugu horreeyay ee isdiiwaan galiya ayaa bulshada caasimadda Dhuusamarreeb iyo guud ahaan Shacabka Galmudug kula dardaarmay in ay usoo baxaan isdiiwaan galinta, si ay u doortaan Maamul ay kula xisaabtamaan horumarinta deegaannadooda.

Madaxweynaha Galmudug ayaa horay uga mid noqday Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka ee madaxweyne Xasan Sheekh Asaasey, waxaana si lamid ah Galmudug maanta doorashada looga daahfuray deegaamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
