Wasiirka Difaaca dalka Pakistaan Khawaja Muxamed Asif ayaa ka digay suurtagalnimada iska horimaad ka sababa in la isku adeegsado Nukliyeerka ah kaasoo u dhaxeeya dalkiisa iyo Hindiya, haddii aan xiisadda hadda taagan la xakameyn, maadaama ay sii korortay xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ka dib weerarkii lagu hoobtay ee Kashmiir.

Asif wuxuu ku yidhi, bayaan ay soo saartay wakaaladda Anadolu Agency, in iska horimaadka u dhexeeya laba quwadood ee haysta nukliyeer uu kor u qaadi doono walaaca caalamka.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in Pakistan ay cambaareyneyso argagaxisada noocyadeeda kala duwan, isagoo xusay in dalkiisa uu dhibaatada ugu badan ka soo gaaray gobolka Kashmir.
Asif ayaa ku eedeeyay Hindiya inay ka dambeysay weerarkii ka dhacay magaalada Pahalgam ee Kashmir, isagoo dhaleeceeyay eedeynta New Delhi ee ka dhanka ah Islamabad iyada oo aan wax caddayn ah loo helin.
Waxa uu intaasi raaciyey dalkiisa inuu diyaar u yahay in uu ka hor tago weerar kasta oo dhanka cirka ah oo ay soo qaado Hindiya iyo in uu jawaab ka bixiyo tallaabo kasta oo ay qaado New Delhi.
Wasiirka Pakistan ayaa ugu baaqay Hindiya in ay wadahadlaan oo ay xaliyaan khilaafaadka taagan, gaar ahaan arrinta Kashmir, iyada oo loo marayo hab nabadeed.
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka inay soo farageliyaan arrintan, isla markaana ay soo bandhigaan xal caqli gal ah oo ku saabsan dhacdada, isagoo ku celceliyay inay diyaar u yihiin in dalkiisa uu jawaab ka bixiyo xaalad kasta oo ka soo cusboonaatay India.
Horseed Media