Ciidamada amaanka Pakistaan ayaa weerar ku qaaday laba goobood oo ay ku sugnaayeen kooxda hubaysan ee Taalibaan oo u dhaw xuduudka Afgaanistaan todobaadkan, waxaana ka dhashay iska hor imaadyo xoogan oo lagu dilay 12 askari iyo 35 dagaalyahan, sida uu sheegay milatarigu.

Milateriga ayaa Sabtidii sheegay in 22 dagaalyahan lagu dilay weerarkii ugu horreeyay oo ka dhacay Bajaur, oo ah degmo ku taal waqooyi-galbeed ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa. 13 kale ayaa lagu dilay howlgal gaar ah oo ka dhacay degmada South Waziristan.
Qoraalka Milateriga ayaa lagu sheegay in 12-ka askari ay ku shahiideen Koonfurta Waziristan, dhimashadooda ayaa hoosta ka xariiqaysa halganka Pakistan ay wajahayso iyadoo isku dayaysa xakameyso inay dib u soo noolaadaan kooxaha hubeysan.
Kooxda Talibanka Pakistan oo sidoo kale loo yaqaan Tehreek-e-Taliban (TTP) ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradaasi fariin ay soo dhigeen baraha bulshada. Kooxdan oo Dowlada Pakistaan sheegtay in ay fadhigeedu yahay dalka Afgaanistaan ayaa xiriir dhow la leh kooxda Taalibaan ee ka taliya dalka Afgaanistaan.
Taalibaan Pakistan waxay u adeegsataa ciidda Afgaanistaan si ay usoo abaabulaan weeraro ka dhan ah Pakistan, militarigu wuxuu yiri, isagoo ku booriyay xukuumadda Taalibaan ee Kabul “inay xajiso mas’uuliyadeeda oo ay diido u adeegsiga ciiddeeda dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee ka dhanka ah Pakistan”.
Milateriga ayaa ku tilmaamay dagaalyahanada la dilay inay ahaayeen “Khwaarij”, oo ah erey ay dowladdu u adeegsato Taliban Pakistan, waxayna ku eedeeyeen inay taageerto Hindiya, inkastoo aysan soo bandhigin wax caddayn ah.
Pakistan ayaa muddo dheer ku eedaysay Hindiya inay taageerto Talibanka Pakistan iyo gooni u goosadka Balochistan, eedeymahan ayey India beenisay. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Talibanka Kabul iyo New Delhi.



