Magaalada Islamabad ee dalka Pakistan waxaa weli ka socda dedaalo laysugu keenayo mas’uuliyiinta Mareykanka & Iiraan…

Magaalada Islamabad ee dalka Pakistan waxaa weli ka socda dedaalo laysugu keenayo mas’uuliyiinta Mareykanka & Iiraan oo u yimid wada-xaajoodyada dagaalka Bariga, xilli aan weli lagu guulaysan is-arag toos ah.
Weftiga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa dhexdhexaadiyaasha ugudbiyey shuruudo ay kamid yihiin ay iyadu maamusho marin-ganacsiyeedka Hormuz, Magdhow laga siiyo khasaaraha dagaalka, ina laga qaado xayiraadaha dhaqaale & in Trump oggolaado xabbad-joojin rasmi ah.
Dhankiisa Maraykanka ayaa doonaya in meesha laga saaro barnaamijka Nukliyeerka Iiraan, la yareeyo soo-saarista gantaallada & in hoos loo dhigo saameynta Tahraan ee Gobolka.
Halka maamulka Yuhuuddu uu sheegay in Hoggaamiyaha Iiraan ee Mojtaba uu yahay nin ka mayal adag aabihiis ayna adag tahay in si fudud looga gudbo shuruudaha uu hordhigayo dalalka reer Galbeedka.



