Pakistan oo India ku eedeysay weerar argagaxiso oo ka dhacay Balochistan

11 July, 2025

Dagaalyahanada gooni u goosadka ah ee Baloch ayaa horey u sheegtay mas’uuliyadda weeraro ka dhacay gobolka koonfur galbeed ee Balochistan.

Sagaal kamid ah dad rakaab ah ayaa la dilay kadib markii rag hubeysan ay ka afduubteen gobolka Balochistan ee koonfur-galbeed ee Pakistan, sida ay saraakiishu sheegeen.

Rakaabka ayaa lagala degay dhowr bas fiidnimadii Khamiista, afhayeenka dowladda gobolka, Shahid Rind, ayaa sheegay Jimcihii.

Baska ayaa ka yimid Balochistan kuna sii jeeday gobolka dhexe ee Punjab. Waxaa loo malaynayaa in dadka socotada ah loo bartilmaameedsaday qowmiyadda Punjabi awgeed, sida ay saraakiishu sheegeen.

Meydadka dadka dhintay ayaa xalay laga helay buuraha, sida uu sheegay sarkaal kale oo ka tirsan dowladda.

Ra’iisul-wasaaraha Pakistaan Shehbaz Sharif iyo wasiirka arrimaha gudaha Mohsin Naqvi ayaa xaqiijiyay dhacdadan iyagoo si kulul u cambaareeyay dilkan. “Dhiigga dadka aan waxba galabsan waa laga aargudi doonaa, dilka muwaadiniinta aan waxba galabsan waa fal argagixisanimooo ay fulinayaan argagixisada ay maalgeliso Hindiya,” ayuu yiri RW.Sharif.

Ma jirin wax falcelin ah oo ka soo baxay India oo ku aadan hadalkiisa. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.