Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Iiraan, Eskandar Momeni, ayaa gaaray magaalada Islamabad, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan, Mohsin Naqvi.

Inta uu booqashada ku joogo, waxaa sidoo kale la filayaa inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan iyo hoggaanka ciidamada dalka.
Booqashadan ayaa noqonaysa tallaabadii ugu horreysay ee muuqata ee dhanka diblomaasiyadda. Si kastaba ha ahaatee, su’aasha taagan ayaa ah in tallaabadan ay ku timid waqtigii ku habboonaa iyo in ay xal u noqon doonto wadahadalada xiisadda ka taagan marin-biyoodka Hormuz iyo nawaaxigiisa.
Waqtigan, dhexdhexaadiyeyaasha waxay u muuqdaan inay wajahayaan caqabado adag, iyadoo Mareykanka iyo Iiraan is dhaafsanayeen duqeymo 9kii habeen ee lasoo dhaafay.
Dhanka kale, dalalka Khaliijka oo khasaaro xoogan kasoo gaaray duqeymaha Iiraan ayaa ku baaqaya in si degdeg ah loogu laabto miiska wadaxaajoodka loona helo waddo lagu yareeyo xiisadda loogana fogaado inay kasii darto.




