Wararka ka imaanaya gobolka Khbyer Pakhtunkhwa ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah lagu qaaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo kolonyo ciidan ah ay la socdeen.

In ka badan toban askari ayaa lagu dilay tobanaan qofna waa lagu dhaawacay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay waqooyi galbeed ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee Pakistan, sida ay saraakiishu sheegeen.
Weerarkii Sabtidii ayaa lagu qaaday Suuqa Khadi, Mir Ali, Waqooyiga Waziristan, sida laga soo xigtay warbaahin maxalli ah.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu isku qarxiyay gaari ay la socdeen cutubyo ka tirsan kuwa qaabilsan qaraxyada, waxaana ku dhintay 13 qof.
Ugu yaraan 24 qof oo ay ku jiraan 14 rayid ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, ayaa lagu sheegay warbixinta.
Weerarka waxaa sheegtay kooxda hubaysan ee Xaafid Gul Bahadur, oo ah garab ka tirsan Taliban Pakistan, ama TPP.
Pakistan waxa ka dhacayey rabshado ba’an, gaar ahaan goboladeeda xuduudka la leh Afgaanistaan tan iyo markii Taliban ay dib ugu soo laabteen xukunka Kabul 2021, Islamabad waxay ku eedeysay dowlada Afgaanistaan inay u ogolaatay dhulkeeda loo adeegsado weeraro ka dhan ah Pakistan – sheegashadan Talibanka waa ay beeniyeen.



