Pakistan: Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay tareen ayey ku dhinteen ugu yaraan 24 qof

24 May, 2026

Ciidanka Xoreynta Balochistan ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Weerar ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday ayaa lagu qaaday tareen ay saarnaayeen askar oo ku sugnaa Quetta, caasimadda gobolka Balochistan ee koonfur-galbeed Pakistan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 24 qof, halka in ka badan 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa cambaareeyay weerarka isagoo qoraal ku qoray bogga X.

Kooxda Xoreynta Balochistan, oo ah koox gooni u goosad ah, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Axaddii.

Guryo iyo dhismayaal dhowr ah oo u dhaw khadka tareenka marro ayaa si xun u burburay. Qaraxa ayaa sababay in qaar kamid ah gawaarida tareenka ay rogmadaan oo uu dab qabsado.

Bakistaan ​​waxay la kulantay dhowr weerar oo ay qaadeen kooxo gooni u goosad ah bilihii la soo dhaafay. Weerarrada ayaa aad u kordhay, waxayna sidoo kale kooxahan bartilmaameedsadeen shaqaalaha Shiinaha ee ka shaqeeya mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Balochistan.

Dowlada Pakistan ayaa horey ugu eedaysay in Kooxdan gooni u goosadka ah ee Balochistan ay taageero ka helaan India iyo Israel, kooxdaasi ayaa sidoo kale si weyn u taageersan duulaankii ay Mareykanka iyo Israel ku qaadeen dalka Iran.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay xili Pakistaan ay kaalin weyn ka qaadaneyso waan waanta nabada ee laga dhex wado Mareykanka iyo Iran.