Hindiya ayaa sheegtay inay duqeymo ka fulisay Pakistan iyo Kashmir qeybta ay Pakistan maamusho. Pakistan ayaa wacad ku martay inay ka aargudan doonto waxa ay ku tilmaantay “fal dagaal”.

Dowlada Pakistan ayaa u ogolaatay militariga in ay “qaadaan talaabooyin u dhigma” kadib weeraradii India.
“Weeraradan aan loo meel dayin ee ay si badheedh ah ula beegsadeen dadka rayidka ah, iyaga oo ku marmarsiyoonaya in ay ku jiraan xeryo argagixiso oo mala-awaal ah, taas oo keentay in ay ku shahiidaan rag, haween iyo carruur aan waxba galabsan, isla markaana waxyeelo u geystay kaabayaasha rayidka oo ay ku jiraan masaajidda,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta.
“Ciidanka Qalabka Sida ee Pakistan waxaa si sax ah loogu oggolaaday inay qaadaan tallaabooyin u dhigma oo arrintan,” ayay wasaaraddu tidhi.
Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada qalabka sida ee Pakistan jawaab celintii la sheegay inay ka bixiyeen duullaan ay xalay ku qaadeen diyaaradaha dagaalka Hindiya.
Shariif ayaa sheegay in shan diyaaradood oo laga leeyahay dalka Hindiya la soo riday.
Khudbad uu baarlamaanka ka jeediyay ayuu ku sheegay in ciidamada cirka Pakistan ay ku jireen feejignaan dheeri ah tan iyo markii India ay Pakistan ku eedaysay weerar lagu qaaday 22-kii April dalxiisayaal ku sugnaa Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho.
Shariif ayaa sidoo kale sheegay in habeenimadii 29-ka April ay diyaarada Rafale ee Hindiya ay ku duuleen qaab dagaal, balse Pakistan ka hortagtay.
Islamabad ayaa sheegtay in lix goobood oo Pakistan ah la beegsaday, midna ma ahayn goobo ay leeyihiin ciidamada Pakistan. Milatariga Pakistan ayaa sheegay in ugu yaraan 31 qof oo rayid ah ay ku dhinteen 46 kalena ay ku dhaawacmeen.
Wasiirka Difaaca Hindiya Rajnath Singh ayaa sheegay in New Delhi ay adeegsatay “xaq ay u leedahay inay ka jawaabto” weerarrada ay Pakistan ka fulisay Kashmir si ay uga aarguto dadkii rayidka ahaa ee aan waxba galabsan ee lagu dilay ciidda Hindiya bishii hore.
Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la xakameeyo militariga labada dal.
Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa isaguna sheegay inuu rajeynayo in khilaafka India iyo Pakistan si dhakhsoleh loo xaliyo.
Midowga Yurub ayaa ku booriyay Hindiya iyo Pakistan in ay si degdeg ah u dejiyaan xaalada kadib iska horimaadkii ugu darnaa ee militeri ee dhexmara labada dal labaatankii sano ee la soo dhaafay.