Pro. Dalxa oo muddo saddex saac ah lagu xannibay garoonka diyaaradaha Nairobi.

24 July, 2025

Guddoomiye Ku-xigeenkii 1-aad ee hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa mudo 3-saacadood ah…

Guddoomiye Ku-xigeenkii 1-aad ee hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa mudo 3-saacadood ah lagu xannibay garoonka diyaaraha Joma Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

Hey’adda Socdaalka Kenya ayaa Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa hor dhigtay Liiska Madax iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo uu isagu ku jiro kuwaas oo Kenya ay xanibaad ka dhigtay Garoonka Joma Kenyatta.

Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya uu ku guulaystay siidayntiisa isla markaana uu hadda ku sugan yahay gudaha magaalada Nairobi.

Xildhibaan hore Dalxa oo mudo dheer ku soo jiray Siyaasadda Soomaaliya mudo sedex bilood ahna Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf noqday Kusimaha Madaxweynaha ayaa u sheegay Shabelle in isagoo sii gelaya Nairobi ay Hey’adda Socdaalka Kenya ku xayirtay Garoonka sababo la xiriira Go’aano ka dhan ah Qadiyadii Badda oo uu soo saaray xiligii uu ka tirsanaa Baarlamaanada Jaamacada Carabta.