PUNSAA oo walaac ka muujisay xirnaanshaha Suuqyada Ganacsiga iyo Dekedda Boosaaso.

Dalladda Daneeyeyaasha aan Dowliga Ahayn ee Puntland (PUNSAA) ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku muujisay walaac…

13 July, 2026

Dalladda Daneeyeyaasha aan Dowliga Ahayn ee Puntland (PUNSAA) ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku muujisay walaac xooggan oo ay ka qabto xirnaanshaha suuqyada ganacsiga ee magaalada Boosaaso oo galay maalintii 16-aad, iyo sidoo kale xirnaanshaha Dekedda Boosaaso oo socday muddo 14 maalmood.

Dalladda PUNSAA ayaa tilmaantay in hakadka ku yimid ganacsiga iyo howlaha dekeddu uu caqabad weyn ku noqday helitaanka adeegyada muhiimka ah, shaqooyinka iyo ilaha dakhliga ee kumannaan qoys, iyadoo xustay in saameynta ugu daran ay soo wajahday dadka danyarta ah, gaar ahaan kuwa ku nool dakhli maalmeedka iyo bulshada aan lahayn ilo dhaqaale oo kale.

Warsaxaafadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in haddii xaaladdu sii socoto ay horseedi karto koror ku yimaadda sicir-bararka, yaraanta badeecadaha muhiimka ah iyo culays dhaqaale oo sii saameeya shacabka Puntland. PUNSAA waxay ka digtay in arrimahan ay dhaawici karaan dhaqaalaha guud iyo xasilloonida ganacsiga gobolka.

Gabagabadii, PUNSAA waxay ugu baaqday Dowladda Puntland, ganacsatada, maamulka Dekedda Boosaaso iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso inay mudnaan siiyaan wada-hadal iyo xal degdeg ah oo lagu soo afjarayo khilaafka jira, si dib loogu bilaabo shaqadii caadiga ahayd ee suuqyada iyo dekedda, loogana hortago saameyn dhaqaale iyo mid bulsho oo sii xoogeysan karta.