Puntland: Askar ku dhimatay qarax lala eegtay gaarigooda

20 January, 2025

Wararka ka imaanaya buuraha Calmiskaad ee uu ka socda hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ayaa sheegaya in saaka qaar kamid ah ciidamada Puntland lala eegtay qarax sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Ciidamada qaraxa lala beegsaday ayaa saarnaa mid kamid ah gaadiidka dagaalka oo marayey meel u dhow tuulada Tasjiic ee degmada Ufayn ee gobolka Bari, lix askari ayaa inta la xaqiijiyey ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa la filayaa inay ka dambeeyeen kooxda Daacish oo maalmahan wajahayey duulaan culus oo kaga yimid ciidamada difaaca Puntland oo ka laayey horjoogayaal badan kalana wareegay ku dhowaad 50 saldhiyadooda ahaa.

Ciidamada Puntland ayaa horey ula kulmay qaraxyo inta ay ku guda jireen howlgallada ka dhanka ah Daacish, sida weerarkii deegaanka Dharjaale ee degmada Iskudhuban, balse taasi kama hor istaagin in ay horey usii wadaan halgankooda sifaynta argagixisada kusoo duushay dhulkooda.

Horseed Media