Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhaawac xabad ah oo xalay soo gaarey taliyihii saldhigga…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhaawac xabad ah oo xalay soo gaarey taliyihii saldhigga degmada Eyl ee gobolka Nugaal, oo xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayo Magaalada Garoowe.
Taliyaha ayaa la xaqiijiyey inay labada lugood ka haleeshay rasaas uu ku furay mid kamid ah ciidamadada saldhigga degmadaasi, saqdii dhexe ee habeenimadii xalay.
“Nin ciidanka saldhigga degmada katirsan oo dhalinyaro ah ayaa 12-kii habeenimo ee xalay taliyihii oo hurda qori la dulyimid dabadeedna xabad kaga dhuftay labada lugood, kadib labadii lugood middi waa jabtay midna waa ka dustey”, Ayuu yiri xildhibaan Hiirad Aw Muuse oo katirsan golaha deegaanka degmada Eyl.



