Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland ayaa soo saaray awaamiir cusub oo lagu amrayo in diiwaangelin rasmi ah…

Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland ayaa soo saaray awaamiir cusub oo lagu amrayo in diiwaangelin rasmi ah loo sameeyo dhammaan mihnadlayaasha caafimaad ee ka howlgala cisbitaalada iyo xarumaha caafimaadka loo lee yahay ee ku yaalla Puntland.
Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay guddigaan heer Wasaaradeed magacaabistoodu ka soo baxday ayaa lagu sheegay in tallaabadan uu ku fulinayo waajibaadka iyo awoodaha uu siinayo Xeerka Xirfadlayaasha Caafimaadka Dowladda Puntland, Xeer Lr. 4 ee 2017, isaga oo si gaar ah u xusay qodobbada 6, 10, 14, 15 iyo 16 ee xeerka.
Maamulka xarumaha caafimaadka gaarka loo lee yahay ayaa lagu wargeliyey inay soo diiwaangeliyaan dhammaan mihnadlayaasha caafimaad ee ka shaqeeya xarumahooda, iyadoo sidoo kale lagu amray in aan xarumaha laga hawlgelin mihnadle caafimaad oo aan haysan rukhsad caafimaad oo ansax ah.





