PUNTLAND: Guddiga Golaha Wakiillada oo booqday bar-bilowgii Dagaalka Daacish ee Dhar-jaalle.

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safarka shaqo ku maraya Gobollada Bari iyo Ras’asayr ayaa kormeer…

14 October, 2025

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safarka shaqo ku maraya Gobollada Bari iyo Ras’asayr ayaa kormeer iyo u kuurgal ku sameeyey arrimaha bulshada ee Deeganada Dharjaale iyo Barako oo hoostaga degmada Iskushuban.

Guddigu waxay ugu horayn degaanka Dharjaale, iyagoo la kulmay Guddoomiyaha iyo odayaasha Deegaanka, islamarkaana waxay ka xog wareysteen Xaalada guud ee Degaanka sida Nabad-galyada, Mashaariicda socda, waxyaabaha qabsoomay iyo caqabadaha jira.

Sidoo kale, Guddiga waxay u soo gudbeen degaanka Barako waxayna kormeer ku tageen xarumaha Arimaha bulshada.

Ugu dambeyn, Guddiyadda ayaa sheegay in xaalada guud ee Degaanadda Dharjaale iyo Barako warbixintooda oo dhammeystiran ay gaarsiin doonaan cid kasta oo ay khuseyso, ayna ka jeedin doonaan Kalfdhiga soo socda ee Baarlamaanka Puntland.