Puntland ayaa sheegtay in kooxda Daacish (ISIS) ee ka dagaallanta buuraha Calmiskaad in ay isticmaasho nidaamka…

Puntland ayaa sheegtay in kooxda Daacish (ISIS) ee ka dagaallanta buuraha Calmiskaad in ay isticmaasho nidaamka lacagaha danabeysan ee cryptocurrency si ay dhaqaale uga soo ururiso Soomaaliya gudaheeda una gudbiso dalal kale Sida uu SKY-News u sheegay Ergeyga Siyaasadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Puntland Maxamed Dhabancad nidaamkan cusub ayaa u suurtageliyay kooxda in ay dhaqaaleheeda ka qariso kormeerka dhaqaalaha caalamiga ah.
Warbixinta ayaa muujineysa walaac weyn oo ka taagan in cryptocurrency uu noqday marin dhaqaale oo ay adeegsadaan kooxaha xagjirka ah, Dowladda Puntland ayaa ku tilmaamtay arrintan mid khatar ku ah ammaanka gobolka iyo caalamkaba maadaama ay fursad siinayso kooxaha argagixisada ah in ay dhaqaalahooda si fudud iskugu gudbiyaan iyadoon tixraac laga helayn.
Dhanka kale dhowaan ayaa safaaradda Mareykanka ee Muqdisho soo saartay qoraal ay ku sheegtay in dowladda Mareykanka ay abaalmarin lacageed oo dhan 10 milyan doolar siinayso cid kasta oo xog dhab ah ka keenta ilaha dhaqaale ee kooxda Daacish, Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda dhaqaale ee kooxaha argagixisada ah.
Puntland waxay sheegtay in wada shaqeyn caalami ah loo baahan yahay si loo xakameeyo dhaqaalaha qarsoon ee kooxaha, iyadoo tilmaantay in maalgashiga sharci darrada ah iyo lacagaha la mariyo cryptocurrency ay caqabad ku yihiin dagaalka lagula jiro argagixisada.
Ugu dambeyn Puntland ayaa xustay in dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish uu socdo sanadihii la soo dhaafay isla markaana inta badan laga saaray dhul baaxad leh oo buuraha Calmiskaad ah, Waxay sheegtay in haatan la baacsanayo xubnihii kooxda ku haray godod iyo degaanno go’doon ah ku jira, taasoo muujineysa in awooddoodii si weyn loo wiiqay.




