Puntland: Deni oo hormarka Boosaaso Guddi u magacaabay.

3 September, 2025

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddiga Horumarinta degmada Boosaaso kuwaas oo laga soo xulay…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddiga Horumarinta degmada Boosaaso kuwaas oo laga soo xulay qeybaha bulshada magaalada sida ganacsatada, nabadoonada, aqoonyahanka, culimada, haweenka iyo dhalinyarada. Guddigan ayaa lagu wado inay noqdaan kuwo ka shaqeeya sidii Boosaaso ay u heli lahayd horumar muuqda iyo adeegyo bulshada ka haqabtira baahiyaha aasaasiga ah.

Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe la daala dhacaysay cabasho ka dhalatay qiimaha korontada oo aad u sarreeya taas oo keentay in baraha bulshada iyo fagaarayaasha lagu falanqeeyo xal u helidda arrintan. Magaalada oo ah xarunta ganacsiga Puntland ayaa si weyn ugu baahan koronto jaban oo ku habboon bulshada iyo ganacsiyada waxaana jira mashruuc tamar cadceed ah oo la sheegay inuu marayo gabo-gabo kaas oo lagu xoojin doono awoodda matoorada shirkadda bixisa korontada magaalada.

Guddiga cusub ee horumarinta Boosaaso ayaa laga filayaa inay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa qorshayaal waara oo bulshada iyo ganacsatada magaalada ka caawin kara dhanka horumarka isla markaana kor loogu qaadi karo adeegyada daruuriga ah. Waxaa sidoo kale la filayaa inay dhiirrigeliyaan habab isku tashi ah oo bulshada si toos ah ugu lug yeelan karto.

Magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Qardho ayaa horayba gudiyadooda hormarinta u hirgeliyeen nidaam ka ah in shacabka bil kasta hal doolar ku daraan biilasha korontada iyo biyaha taas oo suurta gelisay mashaariic horumarineed sida dhismaha wadooyin. Habkan ayaa sidoo kale laga yaabaa in Boosaaso lagu dabaqo si magaalada ugu horumarto qaab isku duubni iyo wadajir bulshada ah.

Waxaa xubnaha hoos ku qoran loo magacaabay Guddiga Horumarinta Degmadda Boosaaso:-

1.1. Dr. Maxamed Maxamuud Samatar

1.2. Yuusuf Axmed Maxamuud

1.3. Kaltuun Suudi Aadan

1.4. Cabdullaahi Xirsi Cali (Hogoto)

1.5. Mustafe Salaad Cali (Sonkor)

1.6. Maxamed Daahir Faarax (Qobey)

1.7. Maxamed Muuse Axmed (Indhotaag)

1.8. Nabadoon. Cabdi Faarax Cilmi

1.9. Sheekh. Maxamed Macallin Axmed

1.10. Nadiifo Xasan Barre