1 February, 2025
Duqeymo culus ayaa caawa ka dhacay buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari, halkaas oo uu ka socdo howlgalka ciribtirka argagixisada ee Daacish.

In kabadan lix duqeymood, ayaa lala eegtay goobo ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish, waxaana la arkayaa qiiq cirka isku shareeray, sida uu inoo soo tabiyay Tafaftiraha Telefishinka iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
Saraakiisha hoggaaminaysa Howlgalka ciribtirka argagixisada ayaa u sheegay Puntland TV/Radio in duqeymaha oo aad u culus ay u badan tahay in lala eegtay deegaano ay kamid yihiin Qurac, Buqo, Wangable iyo aaggaga Dhasaan.