Puntland: duqeynmo lala beegsaday laba saldhig oo muhiim ah ee kooxda Daacish

13 February, 2025

Waxaa caawa fiidnimadii Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ee Puntland ka taageeraya dagaalka Argagixisada ayaa ka dhacay labo xarun oo ay joogeen maleeshiyaadka Daacish.

Duqeyn xoogan ayaa ka dhacday Dooxada Marshed oo ay Argagixisadu ku aruuriyeen ciidamo weerar ah.

Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in duqeynta Dooxada Marshed sidoo kale lala beegsaday horjoogayaasha kooxda.

Duqeyn labaad ayaa ka dhacday Godka Malabley ee nawaaxiga tuulada Shebaab, oo kamid ah saldhigyada iyo kaydka Daacish, goobtan ayey Daacish horey uga qabsatay maleeshiyaadka Al-shabaab.

Weli dowlada Puntland faah faahin kama bixin khasaaraha duqeymaha caawa.