Puntland eedayn u jeedisay madaxda ugu sarraysa dowladda Somalia.

4 January, 2026

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka jawaabey eedaymaha la xiriira inay Puntland marar badan…

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka jawaabey eedaymaha la xiriira inay Puntland marar badan ka gaabsatay arrimaha la xiriira qaddiyadda midnimada Somalia, isagoo sheegay inaysan hayn dowlad ay kala shaqeeyaan arrimaha midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

“Puntland aamuska ma door-bidin mabaadii’ ayey ku taagan tahay dowlad ay mabaadii’daas kula shaqaysana meesha majoogto oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uma diyaarsana”, Ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid.

Dhanka kalena, Wasiirka ayaa shakigeliyey in madaxtooyada dalku ay wax ka ogtahay aqoonsigii Somaliland ka helay maamulka Israel isagoo arrinkaasi u sababeeyey hadal ka soo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh iyo heshiiskii horay u dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.

“Xasan Waraysigii ugu dambeeyey ee uu bixiyey wuxuu ku sheegay inaysan xiriir lalahayn Israel laakiin ay berri la yeelan karto, waxaa lagu eedaynayaa inuu xilli hore tegey Israel, waxaa shaki laga qabaa heshiiskii Itoobiya iyo Muuse Biixi oo uu la joogey iyadoo kaliya laysku qabtay cidda heshiiska saxiixaysa maadaama Muuse Biixi shirka ka baxay, ogow Xasan ayaa Muuse u ogolaaday inuu geli karo heshiis caalami ah”, Ayuu yiri Wasiir Caydiid.